Maxay ka wada hadleen Waare & xubnaha Baarlamanka ee ka soo jeeda Hirshabelle? (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Xildhibaannada labada Aqal ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ka soo jeeda Hirshabelle.

Kulankan ayaa ku saabsanaa is xogwareysi la xiriira xaaladda dalka iyo shirarkii wadatashiga ee u dhexeeyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mas’uuliyiinta Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka sheekeeyay muhiimadda shirarkii Dhuusamareeb iyo Muqdisho oo uu sheegay iney ka soo baxeen go’aanada muhiimka ahaa, waxaana uu Xildhibaannada ka codsaday meel marinta go’aanadii ka soo baxay shirarkii wadatashiga.

Waare iyo Xildhibaannada ayaa iska xogwareystay muhiimadda ay leedahay dhisidda Hirshabeelada cusub, iyo baahida loo qabo in Waxgaradka iyo aqoonyahanka Hirshabelle ay ka qeyb qaataan dhisidda maamulkaas, xalna laga gaaro mushkiladaha soo noq-noqday oo ay ugu horeyso ammaanka iyo dagaal beeleedyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -